RASMI: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Bishii June Ee Premier League Oo La Soo Saaray

Waxa si Rasmi ah loo soo saaray Liiska 6-da xiddig ee u tartami doona Abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka Premier League bishii June ee la soo dhaafay.

Conor Coady (WOL):

Kabtanka Wolves ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tan ilaa markii dib loo bilaabay horyaalka premier League bartamihii bishii la soo dhaafay ee June.

Conor Coady ayaa kooxdiisa Ka caawiyay in ay shabaqeeda ilashato 4 kulan oo ay ciyaartay kooxdiisu tan ilaa markii dib loo bilabaay xilli ciyaareedka.

Bruno Fernandes (MUN):

Xiddiga Bruno Fernandes ayaa bishii February ku guulaystay abaalmarinta waxana uu sii waday qaab ciyaareedka bishii la soo dhaafay isaga oo dhaliyay 4 gool oo uu 2 ka mid ah ka dhaliyay kooxda Brighton.

Danny Ings (SOU):

Weeraryahanka Southampton ayaa tartan adag ugu jira gool dhalinta xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 3 gool bishii June isaga oo goolal ka dhaliyay kooxaha Watford iyo Norwich City.

Raul Jimenez (WOL):

Xiddiga reer Mexico ayaa kooxdiisa u dhaliyay goolal uu ka dhaliyay Tottenham, Bournemouth iyo waliba West Ham xilli uu Kooxdiisa ka caawiyay in ay u dagaalanto kaalmaha champions League.

Anthony Martial (MUN):

Weeraryahanka Man United ayaa dhaliyay saddexleydiisii ugu horaysay kulankii Sheffield United isaga oo sidoo kale gool dhaliyay kulankii ay Man United 2/0 uga badisay kooxda Man City.

Allan Saint-Maximin (NEW)

Xiddiga ayaa gool ak dhaliyay kooxda Southampton ka hor inta uuna gool ka dhalin kooxda Sheffield United isaga oo kooxdiisa Newcastle ka caawiyay in ka fogaato kaalmaha looga hadho tartanka.

Sii Akhriso: WARBIXIN:Gar-naqsigii Madaxweynaha Somaliland Ee Muuse Biixi Ka Soo Jeediyay Wadahadaladii Somaliland & Somalia Oo Haatanba Midho Lah Yeelanaya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*