
Xiddiga da’yarka ah ee Bukayo Saka ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican kooxda Arsenal bishii January ee la soo dhaafay.
Xiddiga ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigu bishii January isaga kooxdiisa ka caawiyay in aan laga badin 5 kulan iyaga oo badiyay 3 kulan 2 kalena laga badiyay.
Bukayo Saka ayaa bishaas qaab ciyaareed fiican soo bandhigay isaga oo caawiye ka noqday gool kulankii ay kooxdiisu 4/0 kaga badisay West Brom sidoo kale isla kulankaas gool dhaliyay.
Saka ayaa gool dhaliyay kulankii ay Arsenal guusha 3/0 ah ka gaadhay kooxda Newcastle United kadib markii uu baas ka helay xiddiga Emile Smith Rowe.
Saka ayaa mar kale gool dhaliyay kulankii Southampton isaga oo sidoo kale isla kulankaas caawiye ka noqday gool uu dhaliyay Alex Lacazette.
Be the first to comment