RASMI: Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Seegi Doona Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedkan Kadib Dhaawac Soo Gaadhay.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Billy Gilmour ayuu soo dhamaaday xilli ciyaareedkiisii cajiibka ahaa kadib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaadhay.

Xiddiga reer Scotland ayaa soo qaatay xilli ciyaareed horumar leh oo uu u ciyaaray kooxda chelsea 4 kulan oo Premier League ah iyo kulamada FA Cup-ka.

Xiddiga 19 jirka ah ee Billy Gilmour ayaa kulankii Crystal Palace ku bilowday shaxda Blues isaga oo ka horeeyay xiddiga Jorginho kaas oo markii dambe badal ku soo galay.

Xiddiga da’yarka ah ayaa kaliya ciyaaray 80 daqiiqo kadib markii lagu badalay Jorginho kadib dhaawac soo gaadhay.

Kooxda chelsea ayaa ka cabis qata in uu xiddiga da’yarka ah garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan 4 ilaa 5 kulan kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay.

Sii Akhriso: Dalka Imaaraadka Oo Si Rasmi Ah U Aqoonsaday Baasaboorka Somaliland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*