
Willian ayaa xaqiijiyay in ay Gaadhay wakhtigii uu isaga tagayay kooxda chelsea xilli ay sii xoogaysanayaan wararka sheegaya in uu si xor ah ugu biiri doono kooxda Arsenal.
Xiddiga reer Brazil ee 32 jirka noqday maanta oo Axad ah ayaa soo afjaray 7 sano oo uu joogay kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.
Willian oo Blues kula guulaystay 2 Premier League, FA Cup, League Cup iyo Europa League ayaa sheegay in uu chelsea ka tagayo isaga oo kor u haya madaxiisa.
“Waxa la gaadhay wakhtigii horay loo soconayay, waxa aan hubaa in aan u xiisi doono xiddigaha aan isku kooxda nahay”ayuu ku soo qoray Twitter-ka.
“Waxa aan u xiisi doonaa shaqaalaha tababarka kuwaas oo iila dhaqmay sida wiilkooda oo kale, waxa aan u xiisi doonaa taageerayaasha”.
“Waxa aan kooxda ka tagayaa aniga oo kor u haya madaxayga, waliba ogsoon in aan wax walba oo suurtagal ah kula guulaystay kooxda waliba shaqo walba oo awoodayda ah ku soo bandhigay maaliyada Chelsea”.
“Qalbigaygu waxa uu dareemayaa mahadnaq dhamaantiin ah”.
Be the first to comment