RASMI: Wakhtiga Uu Bilaaban Doono Xilli Ciyaareedka Dambe Ee Premier League Oo La Shaaciyay

Maamulka Premier League ayaa si Rasmi ah u shaaciyay wakhtiga uu bilaaban doono xilli ciyaareedka dambe e horyaalka premier League.

Waxa lagu jiraa todobaadyadii ugu dambeeyay ee horyaalka premeir League xilli ciyaareedkan iyada oo dhamaadka xilli ciyaareedka ka dhimantahay kaliya 9 kulanka.

Laakiin Maamulka Premier League ayaa si Rasmi ah u shaaciyay wakhtiga la bilaabi doono xilli ciyaareedka 2021/2022 kadib markii maamulka premier League la kulmeen kooxaha kala duwan ee ka qayb qaadan doona tartanka.

Horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub ayaa la filayay in uu bilodo 7 bisha 8-aad ee sanadka 2021 sidii caadada ahayd maadama wakhtigaas uu bilaaban jiray tartanku.

Laakiin Kooxaha premier League ayaa dalbaday in dib loogu dhigo tartanka sabab la xidhiidha in ay xiddigaha kala duwan ka qayb gali doonaan tartamada yurub ee Copa America ee sanadkii hore la baajiyay.

Sidaas darteed horyaalka Premier League ayaa bilaaban doona haatan 14 bisha 8 ee sanadka 2021 waxana uu dhamaan doonaa 22 bisha 5 ee sanadka 22.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*