RASMI: Wakhtiga Uu Bilaaban Doono Xilli Ciyaareedka Cusub Ee Serie A-da Oo La Shaaciyay.

Horyaalka Serie A-da ee xilli ciyaareedka 2020/2021 ayaa si Rasmi ah u bilaaban doona 19 bisha September ee soo socota waxana uu dhamaan doonaa 23 bisha May ee snaakda 2021.

Serie A-da ayaa go’aansatay in ay dib uga dhigaan wakhtigii markii hore loo qorsheeyay si ay xiddiguhu u helaan wakhti ay uga soo kabsadaan xilli ciyaareedkii Axadii dhamaaday.

Markii hore Serie A-da ayaa la bilaabayay 12 bisha Spetmber kadib markii dib oo dhigay xilli ciyaareedkii dhawaan dhamaaday sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

20-ka kooxood ee horyaalka Serie A-da ayaa maanta kulmay iyaga oo isku raacay in xilli ciyaareedka cusub la bilaabo todobaadka ugu horeeya ee 19 bisha September,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*