RASMI: Wakhtiga La Shaacin Doono Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Oo La Shaaciyay

Majaladda France Football” ayaa ku dhawaaqday taariikhda xafladda Ballon d’Or ee sanadka 2021, kadib markii aan la qaban xaflada sanadkii 2020 sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa ahaa xiddigii ugu dambeeyay ee ku guulaystay abaalmarinta sanadkii 2019 isaga oo abaalmarinta ku guulaystay markii 6-aad ee taariikhdiisa.

Majalada Caalamiga ah ayaa bogeeda Twitter-ka ku shaacisay in ay shaacin doonaan xiddigaha u tartami doona abalmarinta 8 bisha October ee soo socota.

Isla majalada ayaa shaacisay in 29 bisha November ee soo socota la qaban doono Xaflada lagu shaacin doono xiddiga ku guulaystay abaalmarinta sanadkan.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*