RASMI: Wakhtiga La Bilaabi Doono Xilli Ciyaareedka Cusub Ee Horyaalka La Liga Oo La Xaqiijiyay.

Inkasta oo uu horyaalka La Liga kaliya si Rasmi ah u xidhmay shalay oo Axad ahayd hadana durba waxa la xaqiijiyay wakhtiga dib loo bilaabi doono xilli ciyaareedka cusub ee 2020/2021.

Maamulka HoryaalkaLa Liga ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga 2020/2021 la bilaab doono 12 bisha 9-aad ee sanadkan 2020.

Sidoo kale waxa la xaqiijiyay in uu Horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka dambe ee 2020/2021 dhamaan doono 23 bisha 5-aad ee saandka 2021.

Kooxda Real Madrid ayaa bilaaban doonta difaacashada horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka dambe 12 bisha September 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*