RASMI: Virgil van Dijk Oo Dhaawac Xun Uga Baxay Kulanka Everton.

Daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa dhaawac wakhti hore ah uga baxay kulanka ay Liverpool la ciyaarayso kooxda Everton kulan ka tirsan horyaalka premier League kadib markii ay isku dheceen Goolhayaha Everton ee Jordan Pickford.

Arintaas ayaa keentay in uu Jurgen Klopp badal wakhti hore ah ku sameeyo daafaca dhexe kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Virgil Van Dijk ayaa lagu badalay daafaca Joe Gomez kaas oo markii hore kaydka la dhigay sabab la xidhiidha in uu qaab ciyaareed xun soo bandhigay kulankii Aston Villa.

Van Dijk ayaa u muuqday mid ka dhaawacmay muruqa lugta midig kadib markii ay si xoogan isku dheceen Goolhayaha Everton ee Jordan Pickford xilli uu Van Dijk doonayay in uu kubad soo celiyo.

Liverpool, Klopp iyo waliba taageerayaasha Kooxda ayaa rajaynaya in uuna dhaawaca xiddigu noqon mid halis ah marka loo eego in uu laf dhabar u yahay kooxda.

Sii Akhriso: Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*