RASMI: Van Dijk, Messi & Ronaldo Oo Ku Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Yurub & Goorta La Shaacin Doono Abaalmarinta.

UEFA ayaa maanta ku dhawaaqday xiddigaha u tartami doona xiddiga ugu fiican ee yurub iyo waliba wakhtiga si Rasmiga ah loo shaacin doono xiddiga ku guulaystay abaalmarinta.

Abaalmarinta ayaa la bixin doonaa isku aadka wareega Group-yada ee tartanka Champions League 2019/2020 taas oo dhici doonta maalin khamiis ah kuna beegan 29 bisha haatan lagu jire ee August.

Xiddigaha u tartami doona abaalmarinta ayay soo doorteen gudi ka kooban 80 tababare oo kooxihii ka qayb qaatay wareegii Group-yada ee tartanka Champions league Iyo Europa League xilli ciyaareedkii hore iyo 55 saxafiga oo uu mid walba ka tirsan yahay xidhiidhaka UEFA oo ay soo doorteen xidhiidha European Sports Media xilli Saddexda xiddig ee u tartami doona kala yihiin.

Lionel MESSI (Argentina – FC Barcelona)

Cristiano RONALDO (Portugal – Juventus)

Advertisements

Virgil VAN DIJK (Netherlands – Liverpool FC)

Lionel Messi ayaa ku guulaystay gool dhaliyaha champions League xilli ciyaareedkii hore halka Van Dijk ku guulaystay champions League iyo Cristiano Ronaldo oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*