RASMI: UEFA Oo Xaqiijisay In Kooxaha Ogolaaday In Ay Ka Qayb Galaan Tartanka European Super League Laga Qaadi Doono Dhamaan Koobabkii Champions League Ee Ay Ku Guulaysteen.

Madaxweynaha Xidhiidhka kubada cagta yurub ee Aleksander Ceferin ayaa ka hadlay ganaaxyada ay wajihi doonaan kooxaha 12-ka ah ee bilaabay tartanka European Super League.

Aleksander Ceferin ayaa sheegay in sidoo kale la ganaaxi doono dhamaan xiddigaha ka qayb gala tartamada ay bilaabeen koxaha ugu waaweyn qaarada yurub ee European Super League.

Xiddigaha reer yurub ayaa laga reebi doonaa tartanka Euro-da ee la filayo in ay xagaaga dhacdo ee la baajiyay sanadkii hore ee 2020.

“Waxa aan samayn doonaa ganaaxyo walab oo aan awoodno, waxana aan idiin sheegi doonaa marka aan helno jawaab waliba sida ugu dhakhsaha badan”ayuu Ceferin yidhi.

“UEFA Way qaban karaa champions league oo ayna ku jirin 12-ka kooxood ee bilaabanaya tartaka cusub sababta oo ah Yurub waxa ka dhisan kooxo badan oo fiican waanan qaban karnaa iyaga la’aantood”.

“Xiddigaha ka qayb qaata tartanka European Super League Waa in ay iska iloobaan ka qayb galista koobka adduunka iyo waliba yurub”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*