RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Xiddigaha U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican Todobaadka Champions League

UEFA ayaa soo saaray Liiska 4-ta xiddig ee u tartami doona xiddiga ugu fiican ee toodbaadka champions League.

Waxa la dhamaysiray kulamadii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions league iyada oo la ciyaaray salaasadii iyo Arbacadii.

Waxa jira xiddigo badan oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulamadii la ciyaaray todobaadkan tartanka champions league.

UEFA ayaa xiddigahaas ka soo xulatay 4 xiddig kuwaas oo ah kuwii qaab ciyaareedka ugu fiican soo bandhigay kulamada la ciyaaray.

4-ta xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican ayaa kala ah Marcus Rashford  (Man United) 3 gool, Joao Felix (Atletico Madrid) 2 gool, Duván Zapata (Atalanta) 2 gool iyo Moise Kean (PSG) 2 gool

Sii Akhriso: Somaliya Oo Ugu Dambayn U Jawaabtay Madaxweynaha France Oo Aflagaadeeyay Nabi Muxammed {N.N.K.H}

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*