RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Todobaadka Champions League.

Waxa la soo afjaray kulamadii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League iyada oo la ciyaaray maalmihii Salaasadii iyo Arbacadii la soo dhaafay toodbaadkan.

Waxa jira xiddigo badan oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulamadii la ciyaaray Salaasadii iyo Arbacadii iyaga oo kooxo badan gaadhay guulo muhiim ah halka qaar kale laga badiyay.

UEFA Ayaa soo saartay 4-ta xiddig ee qaab ciyaareedka ugu fiican soo bandhigay kulamadii champions League ee todobaadkan iyaga oo u tartami doona xiddiga ugu fiican todobaadkan.

Xiddigaha Milan Škriniar, Darwin Núñez, Leroy Sane iyo Giorgos Athanasiadis ayaa ka mid ah xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican todobaadka champions League.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*