RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Liiska Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Todobaadka Champions League.

UEFA ayaa soo saartay Liiska xiddiga u tartami doona xiddiga ugu fiican todobaadka 3-aad ee tartanka champions League ee la ciyaaray Salaasadii iyo Arbacadii.

Waxa xalay oo Arbaca ahayd la soo afjaray kulamada todobaadkii 3-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Diogo Jota ayaa hogaaminaya xiddigaha u tartamaya abaalmarinta xiddiga ugu fiican kadib markii uu saddexley dhaliyay kulankii Atalanta.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Borussia Mönchengladbach ee Alassane Pléa kaas oo dhaliyay saddexley kulankii ay Kooxdiisu garaacday kooxda Shakhtra.

Xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa sidoo kale u tartamaya abaalmarinta kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kooxda Club Brugge.

Xiddiga ugu dambeeya ayaa ah xiddiga kooxda Sevilla ee Youssef En-Nesyri kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay 2 gool-na dhaliyay kulankii ay kooxdiisu ka badisay Krasnodar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*