
Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UFEA ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in garoon dhex-dhexaad ah lagu ciyaari doono kulanka lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions league ee dhexmari doona kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea.
Kulanka ayaa la filayay in uu ka dhoco garoonka Atletico Madrid 23 bishan haatan lagu jiro lugta 1-aad ee tartanka champions League.
Laakiin sabab la xidhiidha karantiilka uu ay soo dajisay xukuumada Spain kuna saabsan xanuunka Korona kulanka ayaa lagu qaban doonaa garoon dhex-dhexaad ah.
Xidhiidhka qaarada yurub ee UEFA ayaa shaacisay in ay kulanka u doorata garoonka National Arena ee ku yaala caasimada dalka Romania.
Be the first to comment