RASMI: Tababaraha Xulka Qaranka France Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Qayb Gali Doono Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka.

Tababaraha Xulka qaranka France ee Didier Deschamps Ayaa soo saaray Liiska xiddigaha xulkiisa ee uu kaga qayb gali doono kulamada is reeb-reebka koobka adduunka Qatar 2022.

Xulka qaranka France ayaa todobaadka dambe bilaaban doona  u soo bixista koobkii ay ku guulaysteen sanadkii 2018 markii ay ku garaaceen xulka qaranka Croatia.

Didier Deschamps ayaa Liiska ku soo daray xiddigaha kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ee Ousmane Dembélé Ferland Mendy Kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay soo bandhigeen.

Sidoo kale waxa uu Liiska ku soo daray xiddiga kooxda Man United ee Paul Pogba kaas oo ka soo laabtay dhaawac uu dhawr todobaad uga maqnaa kooxdiisa Man United.

Xulka qaranka France la ciyaari doona xulka Ukriane (24 March), Kazakhstan (28 March) iyo Bosnia (31 March) kulamadaas oo ah is reeb-reebka koobka adduunka sanadka 2022.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*