RASMI: Tababaraha Xulka Qaranka England Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Qayb Gali Doono Kulamada Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka.

Tabbaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa soo saaray liiska xiddigaha xulka qaranka England uga qayb Gali doona kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Gareth Southgate ayaa markii ugu horaysay xulka qaranka uga yeedhay xiddigaha Aston Villa ee Ollie Watkins iyo Goolhayaha West Brom ee Sam Johnstone.

Sidoo kale markii ay marar badan ka maqaayeen xulkooda xiddigaha John Stones, Luke Shaw & Jesse Lingard ayaa ku soo laabtay matalista xulka qarankooda.

Lama filaanka ugu weyn ayaa ah in gabi ahaan laga reebay waajibaadka xulka qaranka xiddiga kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold kaas oo badalkiisa loo yeedhay xiddiga Luke Shaw.

Sidoo kale waxa ka maqan xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho kaas oo dhankiisa laga reebay Liiska waajibaadka xulka qarankiisa.

Xulka qaranka Enland ayaa ciyaari doona 3 kulan oo kala ahn San Marino (25 March), Albania (28 March) iyo Poland (31 March).

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu taabaruhu u soo xushay kulamada is reeb-reebka koobka adduunka:

Goolhayahasha: Dean Henderson (Manchester United), Sam Johnstone (West Bromwich Albion), Nick Pope (Burnley)

Daafaca: Ben Chilwell (Chelsea), Conor Coady (Wolverhampton Wanderers), Eric Dier (Tottenham Hotspur), Reece James (Chelsea), Harry Maguire (Manchester United), Tyrone Mings (Aston Villa), Luke Shaw (Manchester United), John Stones (Manchester City), Kieran Trippier (Atletico Madrid), Kyle Walker (Manchester City)

Khadka dhexe: Jude Bellingham (Borussia Dortmund), Phil Foden (Manchester City), Jesse Lingard (West Ham United, loan from Manchester United), Mason Mount (Chelsea), Kalvin Phillips (Leeds United), Declan Rice (West Ham United), James Ward-Prowse (Southampton)

Weeraryahanada: Dominic Calvert-Lewin (Everton),   Harry Kane (Tottenham Hotspur), Marcus Rashford (Manchester United), Bukayo Saka (Arsenal), Raheem Sterling (Manchester City), Ollie Watkins (Aston Villa)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*