RASMI: Spain Vs Brazil: Final-ka Kubada Cagta Ciyaaraha Olympic-da Oo La Ogaaday.

Waxa si Rasmi ah loo ogaaday labada xul ee isaga hor iman doona final-ka Olympic ee ciyaaraha kubada cagta Ragga iyaga oo labada xul ee Spain iyo Brazil ku dagaalami doonaan Billada dahabka ah.

Xulka Brazil ayaa rikoodhayaal kaga badiyay xulka Mexico Semi-final-ka kadib markii ay labada xul isku dhaafi waayeen bar-baro gool la’aan ah wakhtigii dabiiciga ahaa iyo waliba wakhtigii dheeriga ahaa.

Dhanka kale xulka Spain ayaa dhaafay Semi-ifnal-ka xulka Japan kadib markii uu gool ka dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay wakhtigii dheeriga ahaa ee 30-ka ahaa ee lagu daray ciyaarta.

Labada xul ee Spain iyo Brazil ayaa haatan ku dagaalami doona billada dahabka ah ee ciyaaraha kubada cagta ee Olympic iyada oo si gaar ah isha loogu hayn doono kulanka labada xul ee adag.

Kulanka ay labada xul isaga hor iman doonaan ayaa dhici doona 7 bishan haatan lagu jiro kulan ka dhici doona garoonka caalamiga ah ee The International Stadium.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 5 Arin Oo Hadii Uu Ninku U Sameeyo Gabadha Ayna Waligeed Ku Iloobin Ninkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*