RASMI: Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Chelsea

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gnnar Solskjaer ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor iman doono kooxda Chelsea caawa kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Man United ayaa marti galin doonta chelsea kulan adag oo ka dhici doona garoonka Old Trafford kana tirsan horyaalka premier League.

Xiddiga cusub ee Edinson Cavani ayaa ka soo muuqday Liiska United ee kulanka caawa isaga oo kulankiisii ugu horeeyay u ciyaari kara United.

Sidoo kale waxa Liiska ku soo laabtay xiddiga Harry Maguire kaas oo dhaawac ku seegay kulankii PSG sabab la xidhiidhay dhaawac soo gaadhay.

Halkan Kaga Bogo Liiska xiddigaha Uu Solskjaer u soo xushay Kulanka caawa:

David de Gea, Dean Henderson, Nathan Bishop, Aaron Wan-Bissaka, Timothy Fosu-Mensah, Victor Lindelof, Harry Maguire, Axel Tuanzebe, Luke Shaw, Donny van de Beek, Nemanja Matic, Scott McTominay, Fred, Paul Pogba, Juan Mata, Bruno Fernandes, Daniel James, Mason Greenwood, Edinson Cavani, Marcus Rashford, Odion Ighalo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*