RASMI: Ronald Koeman Oo Soo Saaray Liiska xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Ferencvaros Kulanka Champions League.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu caawa kaga hor tagi doono kooxda Ferencvaros kulan ka tirsan wareega Group-yada champions League.

Tababare Koeman ayaa soo xushay dhamaan xiddigaha taamka u ah xilli uu doonayo in uu guul ku bilowdo tartanka xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Pjanic, Dest, Pedri, Trancoa ayaa ka mid ah liiska xiddigaha kulankoodii ugu horeeyay ee champions League u ciyaari doona Barcelona.

Koeman ayaa sidoo kale Liiska ku soo daray xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa kadib markii uu is badal ku sameeyay shaxdiisa kulankii Getafe.

Image

Sii Akhriso: Somaliland Oo Go’aan Ka Soo Saartay Dadka Soomaaliya Ka Socdaa Somaliland U Yimaaddaan Ka Qayb-galka Siminaarrada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*