RASMI: Robert Lewandowski Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa ku guulaystay gool dhalinta qaarada yurub xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga reer Poland oo haatan u ciyaaraya ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii hore markii uu joogay kooxda Bayern Munich.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa dhaliyay 35 gool horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii hore taas oo ka caawisay in uu ku guulaysto abaalmarinta.

Xiddiga Lewandowski ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkii hore kooxda Bayern Munich u dhaliyay 50 gool tartamada oo dhan 46 kulan oo uu ciyaaray.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa maanta la gudoonsiiyay abaalmarinta kabta dahabka ah ee gool dhalinta xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga Lewandowski ayaa ilaa haatan dhaliyay 13 gool horyaalka La Liga shaki la’aana u tartami doona mar kale abaalmarinta xilli ciyaareedka cusub