RASMI: Real Madrid Oo Xaqiijisay Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Eden Hazard, Imisa Ayuu Garoomada Ka Maqnaan Doonaa?

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay dhaawac cusub oo soo gaadhay xiddiga Eden Hazard ka hor kulanka ada ee Atalanta ee champions League lugta 2-aad ee wareega 16-ka.

Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Belguim mar kale ka dhaawacmay muruqa kadib maalmo ka hor markii uu dhaawac hore ka soo laabtay.

Kooxda Los Blancos ayaa sheegtay in uu xiddiga reer Belguim ka dhaawacmay muruqa lugta Midig kadib markii uu dareemay xanuun xun kadib kulankii Elche.

Eden Hazard ayaa kaliya 15 daqiiqo ciyaaray kulankii Elche ee horyaalka La Liga maadama uu dhaawac ka soo laabtay maalmo ka hor.

Real Madrid ayaan shaacin mudada uu Eden Hazard ka maqnaan doono garoomada laakiin wararka ayaa sheegaya in uu xiddigu maqnaan doono muddo u dhexaysay 4 ilaa 6 todobaad.

Arintaas ayaa la macno ah in uu xiddigu wali ku sii jiri doono dhibaatada dhaawacyada tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Real Madrid xagaagii 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*