RASMI: Real Madrid Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xaalada Dhaawac Ee Dani Carvajal.

Kooxda Real Madrid ayuu xaalku ku sii xumaanayaa iyaga oo kulan walba dhaawac ku Waayay xiddig muhiim ah inkasta oo uu xilli ciyaareedku haatan bilow yahay.

Real Madrid ayaa xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xididga daafaca Uga ciyaara ee Dani Carvajal kaas oo ciyaaray kulankii ay Real Madrid guusha ka gaadhay kooxda Real Valladolid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in maanta baadhitaan lagu sameeyay xiddiga daafaca Midig uga ciyaara ee muhiimka u ah kooxda tababare Zidane.

Los Blancos ayaa xaqiijisay in baadhitaanka lagu ogaaday in uu xiddigu ka dhaawacmay jilibka Midig ee lugta inkasta oo ayna sheegin mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Laakiin Los Blancos ayaa xaqiijisay in si gaar ah loola socon doono xaalada xiddiga saacadaha soo socda si loo ogaado is badalka dhaawaca.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*