RASMI: Real Madrid Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Toni Kroos.

Kooxda Real Madrid ayaa warbixin caafimaad ka soo saartay xiddiga khadka dhexe ee kooxdeeda ee Toni Kroos kaas oo ku dhaawacmay kulankii Real Betis ee horyaalka La Liga.

Toni Kroos ayaa ku bilowday kulankii Real Madrid ee Sabtidii laakiin ka baxay ciyaarta qaybtii hore kadib markii uu dhaawacmay iyada oo lagu badalay Luka Modric.

Kadib baadhitaan maanta lagu sameeyay xiddiga Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu xiddigu ka dhaawacmay muruqa lugta Midig saacadaha soo socdana lala socon doono xaaladiisa si loo ogaado mudada uu garoomada ka maqnaan karo.

Dhaawacan ayaa niyad jab ku ah kooxda Real Madrid kuwaas oo bilowday difaacashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Dhaawac Kroos ayaa imanaya xilli ay Real Madrid dhaawac kaga maqanyihiin xiddigo kale oo muhiim ah sida Asensio iyo Eden Hazard.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*