RASMI: Real Madrid Oo Waayi Doonta Adeega Sergio Ramos Kulanka Xiga Ee Horyaalka La Liga, Sabab.

Daafaca ahna kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa seegi doona kulanka ay Real Madrid marti galin doonto kooxda Deportivo Alaves kulan ka tirsan horyaalka La Liga oo dhici doona Jimcaha.

Daafaca Sergio Ramos ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay goolkiisii 10-aad ee horyaalka La Liga kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Athletico Bilbao.

Laakiin daafaca ayaa ka maqnaan doona kooxdiisa kulanka jimcaha ee Deportivo Alaves sabab la xidhiidha in uu qaatay kaadhkiisii 10-aad ee digniinta ahaa ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed Daafaca ayaa seegi doona kulanka Jimcaha ee muhiimka u ah kooxdiisa kuwaas oo u dagaalamaya ku guulaysiga horyaalka La Liga.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku noqonaya Tababare Zidane marka la eego in uu daafaca Varane sidoo kale dhaawac ku seegay kulankii Athletico Bilbao ilaa haatana aan la ogayn in uu taam u noqon doono kulanka Jimcaha.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Safiirka Shiinaha Ee Somalia Ku Qaabilay Villa Somalia & Heshiiskii Somaliland & Taiwan Oo Lagu Soo Hadal Qaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*