RASMI: Real Madrid Oo Shaacisay Lambarka Uu David Alaba U Xidhan Doono Kooxda

Kooxda Real Madrid ayaa maanta Si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixa xiddiga David Alaba kaas oo si Rasmi ah qalinka ugu duugay heshiiska uu kula joogi doono kooxda.

Alaba ayaa Los Blancos ugu soo biiray qaab xor ah waxana uu kaga soo biiray kooxda Bayern Munich kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda reer Germany.

David Alba ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Real Madrid kadib markii maanta lagu soo bandhigay garoonka Los Blancos ee Santiago Bernabue.

Kooxda Real Madrid aya si Rasmi ah u xaqiijisay in uu David Alaba u xidhan doono kooxda Lambarka No.4 kaas oo ah Lambarkii uu baneeyay xiddiga Sergio Ramos oo ka tagay kooxda xagaagan.

Image

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Ficil Oo Uu Ninku Si kama’ ah U Sameeyo Oo Ay Gabadhu Ku Jeclaato Isaga Oo Aan Ogayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*