RASMI: Real Madrid Oo Shaacisay Dhaawaca Xun Oo Soo Gaadhay Xiddiga Fede Valverde, Siday Wax U Soo Gaadheen?

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda 1-aad ee Fede Valverde kadib kulankii Valencia ee Axadii.

Xiddiga Valverde ayaan dhamaysan kulankii ay Real Madrid guuldarada kala kulantay kooxda Valencia iyada oo la badalay daqiiqadii 76-aad laguna badalay xiddiga Toni Kroos.

Valverde ayaa lagu sameeyay baaritaanno caafimaad subaxnimadii Isniinta, taasoo muujisay in kooxda reer Uruguay ay jab ka soo gaadhay laf-dhabarka dambe ee lugta midig.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in maalmaha soo socda lala socon doono xaalada xiddiga si loo ogaado mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*