RASMI: Quique Setien Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Villarreal

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Villarreal kulan ka tirsan horyaalka la Liga.

Quique Setien ayaa soo xushay 24 xiddig kuwaas oo uu ka soo xulan doono shaxdiisa kulanka Axada ee ay la ciyaari doonaan kooxda Villarreal kulan ka dhici doona Camp Nou.

Tababaraha cadaadisku saaranyahay ayaa dhamaan wada haysta xiddigaha muhiimka ah ee kooxda ka hor kulanka Villarreal marka laga reebo 2 xiddig oo dhaawac uga maqan kulanka.

Xiddigaha Frankie De Jog Iyo Samuel Umtiti ayaa ah labada xiddig ee seegaya kulanka sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay labada xiddig.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska.

Ter Stegen, Neto, Semedo, Pique, Raktic, Busquets, Arthur, Suarez, Messi, Linglet, Griezmann, Alba, Braithwaite, Roberto, Vidal, Firpo, Inaki Pena, Riqui Puiq, Callado, Fati, Aruajo, Morer, Monchu, Cuenca.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Ka Jawaabtay Diidamadii Dalka Shiinuhu Kaga Soo Hor Jeestay Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*