RASMI: Quique Setién Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Napoli.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Quique Setién ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono Napoli kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Tababare Quique Setién ayaa soo xushay 22 xiddig oo uu ka xualn doono shaxda uu kaga hor tagi doono kooxda Napoli kulan ka dhici doona Camp Nou.

Waxa Liiska ku soo laabtay xiddigaha Griezmann & Lenglet kuwaas oo ka soo kabsaday dhaawac ay ku seegeen kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka Barcelona.

Laakiin Waxa Liiska ka maqan xiddigaha Vidal & Busquets kuwaas oo kulanka ku seegi doona ganaax kadib markii uu Vidal kaadhka cas qaatay kulankii lugta hore halka uu Busquets qaatay kaadhka digniinta ah.

Sidoo kale waxa dhaawac kaga maqan xiddigaha Samuel Umtiti,Arthur Melo, Araujo iyo Dembele kuwaas oo seegi doona kulanka Napoli.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*