RASMI: PSG Oo Soo Saartay Liiska Xiddigaha Ay Kaga Hor Tagi Doonto Man City

Tababaraha Kooxda PSG Mauricio Pochettino Ayaa soo saaray liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Man City lugta 2-aad ee Semi-final-ka champions League.

Mauricio Pochettino Ayaa xoo xushay xiddigihiisa oo dhan kana mid yahay xiddiga Mbappe oo laga cabsi qabay in uu dhaawac dartiis ku seego kulanka muhiimka u ah kooxda reer France.

Xiddiga reer France ayaa dhaawac ka cabanayay tan ilaa ka hor kulankii lugta 1-aad waxana uu shaki weyn ku jiray taam ahaanshaha xiddiga ee kulankana muhiimka u ah kooxda.

Sidoo kale Neymar ayaa ku jira Liiska xilli ay kooxda Mauricio Pochettino isha ku hayso in ay iska xaadiriso final-ka champions League xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah.

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*