RASMI: Ole Gunnar Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Ku Dhamaysan Doono Europa League.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo saaray 23-ka xiddig ee uu kaga hor tagi doono kooxda Copenhagen kulan ka tirsan wareega 8 dhamaadka Europa League.

Man United ayaa u safartay magaalada Cologne ee Germany halkaas oo lagu qaban doono kulamada wareega 8 dhamaadka ah ee Europa League ee hal kulan ah.

Solskjaer ayaa Liiska waxa wali ka maqan xiddiga Luke Shaw kaas oo dhaawac kaga maqan kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyay ee ay ciyaareen.

Tababaraha ayaa Liiska ku soo daray xiddigo da’yar ah kuwaas oo uu fursad siin doono kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Copenhagen.

Hadaba Liiska Halkan Kaga Bogo:

Bishop, De Gea, Grant; Dalot, Fosu-Mensah, Laird, Lindelof, Mengi, Wan-Bissaka, Williams; Fernandes, Galbraith, Garner, Pogba, Matic, Mata, Lingard, Pereira; Chong, Greenwood, Ighalo, James, Rashford.

Sii Akhriso: Taliyihii Ilaalada Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Dagaal Dhexmaray Maleeshiyo Beeleedyo & Ciidamada Puntland.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*