RASMI: Ole Gunnar Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono PSG & 2 Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Ka Maqan Liiska.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu u qaadan doono France si uu ugaga hor tago kooxda PSG kulankooda ugu horeeya ee championsLeague xilli ciyaareedkan.

Laakiin Man United ayaa la kulantay dhirbaaxo maadama ayna kooxda la safrin xiddigaha Edinson Cavani & Harry Maguire.

Cavani ayaa kaliya shalay bilowday tababarka buuxa ee ooxda sidaas darteed waxa uu Solskjaer go’aansaday in uuna qaadan xiddiga.

Harry Maguire ayaa dhankiisa shaki ku jiray kulankii Newcastle laakiin xiddiga ayaa ku bilowday shaxda United waliba dhaliyay goolka 1-aad.

Mason Greenwood ayaa sidoo kale ka maqan Liiska United iyada oo uu kaga maqan yahay dhaawac aan la xaqiijin laakiin xiddiga cusub ee Facundo Pellistri ayaa ku jira Liiska.

sidooo kale waxa Liiska ku jira xiddiga cusub ee daafaca Bidix ka ciyaara ee Alex Telles kaas oo dhankiisa ka qayb qaadan kara kulanka.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Solskjaer u soo xushay Kulanka PSG:

David de Gea, Dean Henderson, Aaron Wan-Bissaka, Timothy Fosu-Mensah, Axel Tuanzebe, Victor Lindelof, Luke Shaw, Alex Telles, Brandon Williams, Paul Pogba, Scott McTominay, Bruno Fernandes, Fred, Nemanja Matic, Donny van de Beek, Facundo Pellistri, Daniel James, Juan Mata, Marcus Rashford, Anthony Martial, Odion Ighalo

Sii Akhriso: Sheeko La Yaab Leh: Nin Muslim Ah Oo Loo Diiday Dhalasho Dalka Jarmalka Ah & Sababta Oo La Ogaaday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*