RASMI: Ole Gunnar Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska 30-ka Xiddig Ee Uu Kaga Hor Tagi Doono LASK Europa League

Tababaraha Man United Ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo saaray Liiska 30-ka xiddig ee uu kaga hor tagi doono kooxda LASK kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka Europa League.

Waxa Liiska ka maqan xiddiga Luke Shaw kaas oo dhaawac ku seegi doona kulanka waxa sidoo kale liiska ka maqan xiddiga Axel Tuanzebe kaas oo dhaawac ku seegaya.

Xiddiga Liiska ku soo laabtay ayaa ah xiddiga Phil Jones inkasta oo uuna wax kulamo ah ciyaarin tan ilaa markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka.

Solskjaer ayaa rajaynayay in uu dhamaystiro shaqada kuna bilaabo kulanka xiddigaha joogada ugu ciyaara sida  Bruno Fernandes, Paul Pogba, Marcus Rashford & Anthony Martial.

Solskjaer ayaa sidoo kale si lama filaan ah ugu soo daray Liiska xiddigaha da’yarka ah ee Teden Mengi & Ethan Galbraith kuwaas oo rajaynaya in ay fursad helaan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo 30-ka xiddig ee uu Solskjaer u soo xushay kulanka:

Goolhayayaasha : David De Gea, Sergio Romero, Lee Grant, Nathan Bishop.

Daafacyada: Eric Bailly, Diogo Dalot, Tim Fosu-Mensah, Phil Jones, Ethan Laird, Victor Lindelof, Harry Maguire, Teden Mengi, Aaron Wan-Bissaka, Brandon Williams.

Khadka dhexe: Andreas Pereira, Bruno Fernandes, Fred, Ethan Galbraith, James Garner, Daniel James, Jesse Lingard, Juan Mata, Nemanja Matic, Scott McTominay, Paul Pogba.

Weerarka: Tahith Chong, Mason Greenwood, Odion Ighalo, Anthony Martial, Marcus Rashford.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*