RASMI: Mudada Uu Trent Alexander-Arnold Garoomada Ka Maqnaan Doono & Kulamada Uu Seegi Doono Oo La Kashifay Kadib Dhaawacii Kulankii Man City.

Kooxda Liverpool ayaa la kulantay dhirbaaxo kale oo dhaawac kadib markii uu soo baxay natiijada baadhitaanka xiddiga Trent Alexander-Arnold.

Trent Alexander-Arnold ayaa ku dhaawacmay kulankii ay kooxda Liverpool bar-baraha la gashay kooxda Man City kana tirsanaa horyaalka premier League.

Xiddiga reer England ayaa haatan la xaqiijiyay in uu soo gaadhay dhaawaca kubka garoomadana ka maqnaan doono muddo 4 todobaad ah oo u dhiganta muddo bil ah.

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa sidaas darteed seegi doona ugu yaraan 2 ama 3 kulan oo horyaalka premier League ah sida uu sheegay saxafiga Dominic King.

Trent Alexander-Arnold ayaa la hubaa in uu seegi doono kulamada Leicester City oo ah kadib fasaxa xulalka iyo Brighton oo ku xigta.

Laakiin Xiddiga Trent Alexander-Arnold wakhtiga tartan la gali doona si uu taam ugu noqdo kulanka Wolves ee ku xiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*