RASMI: Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Maqnaan Doona Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Kieran Tierney uu ku seegayo inta ka dhiman xilli ciyaareedka Arsenal dhaawac dartiis.

Xiddiga reer Scotland ayaa lagu qasbay inuu Dhaawac jilibka ah uga boxo kulankii ay Arsenal guuldarada 3/1 ah kala kulantay kooxda Liverpool Sabtidii.

Tababare Arteta ayaana sheegay in uu xilli ciyaareedka Tierney soo dhamaaday oo uuna mar kale u ciyaari doonin Arsenal xilli ciyaareedkan kadib dhaawacii soo gaadhay.

“Kieran waxa uu maqnaan doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan”ayuu Arteta yidhi.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Arsenal marka loo eego in uu  xiddigaTierney ka mid yahay xiddigaha ugu fiican kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*