RASMI: Mesut Ozil Oo Xaqiijiyay In Uu Ka Tagay Kooxda Arsenal.

Xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagay kooxda Arsenal kadib 8 sano oo uu ku qaatay kooxda ku ciyaarta Emirates.

Xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil ayaa xaqiijiyay in uu ku biiri doono kooxda reer Turkey ee Fenerbahce sida uu u xaqiijiyay Tv reer Turkey ah.

Xiddiga Mesut Ozil ayaa isaga tagay kooxda Arsenal kadib markii la kansalay heshiiskii uu kula jiray kooxda Arsenal kaas oo dhici lahaa xagaaga.

Mesut Ozil ayaa ka baxay qorshaha kooxda Arsenal isaga oo aan xilli ciyaareedkan wax kulan ah u ciyaarin waliba aan lagu darin liiska xiddigaha tartamada ka qayb galay.

Ozil ayaa isaga tagaya kooxda Arsenal kadib 8 sano oo uu joogay kadib markii uu xagaagii 2013 kooxda ku soo biiray kagana soo biiray Real Madrid.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uuna Gacaliyahaag Waligaa Kaa Tagin, 3-dan Arin Ayaad Ku Dagi Kartaa Qalbigiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*