Waxa gaba-gabo maraya wareega Group-yada koobka Africa oo meel xiiso leh maraya iyada oo la daawaday kulamo badan oo cajiib ah.
Waxa maanta la ciyaari doonaa kulamadii ugu dambeeyay ee Group-ka ugu dambeeya iyada oo xulal badan u dagaalamayaan u gudbista wareega xiga.
Ka hor kulamada ugu dambeeya ee Group-yada waxa la soo saaray kulamada wareega 16-ka ee tartanka.
Inkasta oo aan wali si buuxda loo dhamaystirin hadan waxa jira xulal haatanba ogaaday xulalka ay la ciyaari doonaan wareega 16-ka tartanka.
Xulka Tunisia ayaa la ciyaari doona xulka Mali kulanka wareega 16-ka tartanka koobka Africa.
Xulka Morocco oo marti galinaya tartanka ayaa la ciyaari doona xulka Tanzania halka xulka Algeria la ciyaari doono xulka DR Congo.
Xulka Masar ayaa la ciyaari doona xulka Benin halka kulamada kale la ogaan doono kadib dhamaadka Wareega Group-yada.
Be the first to comment