RASMI: Mandžukić Oo Ku Biiray AC Milan , Imisa Ayuu Saxiixay Iyo Lambarka Uu Xeranayo

Kooxda Ac Milan ayaa shaaca ka qaaday in ay la soo hishiisay weeraryahanka reer Croatia ee Mario Mandžukić kaasi oo kooxda la joogaya illaa dhamadka xilli ciyaareedka

Waxaa ku jira hishiiskaas in muddo hal xilli ciyaareed kale lagu dari karo haddii laacibka uu doono sidaas

Laacibkaas 34 sano jirka ah ayaa Milan ugu yimid qaab xor ah ka dib markii uu soo afjaray hishiiskii uu kula jiray kooxda reer Qatar ee Dahil ka dib 7 bil e uu soo joogay

Mario Mandžukić ayaa aayihiisa kubadda cagta bilaabay 2004-tii waxaana kooxaha waa weyn ee soo maray ka mid ah Munich ,Juve iyo VfL Wolfsburg

Waxa uuna aayihiisa guuleystay 24 koob oo ay ku jiraan Champion-ka ,UEFA Super Cup iyop FIFA Club World Cup , halka dhanka qaranka uu saftay 83 kulan waxa uuna dhaliyay 33 gool

Laacibkaas dheer ayaa haatan Milan u qaadanaya lambarka 9-aad.

Sii Akhriso: Qaabka Aad U Xoojin Kartiin Jacaylkiina, Tallo Muhiim Ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*