RASMI: Man United Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Paul Pogba, Ilaa Imisa Ayuu Gaadhayaa?

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhaqan galisay halkii sano ee dookha ahaa ee ku jiray heshiiska Paul Pogba taas oo la macno ah in uu xiddigu sii joogi doono ilaa xagaaga 2022.

27 jirkan ayaa Old Trafford kaga soo laabtay Juventus xagaagii 2016 waxana si weyn loo hadal hayay mustaqbalkiisa bilihii ugu dambeeyay.

Heshiiska Paul Pogba ee Man United ayaa dhacayay dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin United ayaa haatan dhaqan galisa heshiiska halka sano ee dookha ahaa.

Xiddiga reer France ayaan haatan si xor ah uga tagi karin kooxda xagaaga dambe maadama uu haatan heshiis 2 sano ah kula jiro kooxda.

Kooxda Man United ayaa go’aankan qaaday si ayna si xor ah ugu waayin xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: XASAASI: Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Somaliya Xasan Cali Khayre Oo Balan Qaad U Sameeyay Kenya Hadii Uu Madaxweyne Ka Noqdo Dalka Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*