RASMI: Man United Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Nemanja Matic

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic.

Xiddiga reer Serbia oo dib u soo nooleeyay qaab ciyaareedkiisa ayaa qalinka ku duugay heshiis uu Old Trafford ku sii joogi doono ilaa xagaaga 2023.

Nemanja Matic ayaa Man United ku soo biiray xagaagii 2017 isaga oo kaga soo biiray kooxda chelsea waxana uu kooxda u saftay 114 kulan 3-dii sano ee uu joogay kooxda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan qaado talaabadan taas oo ii ogolaanaysa in aan sii joogo kooxdan fiican”ayuu Nemanja Matic yidhi.

Xiddiga reer Serbia ayaa dib u soo nooleeyay qaab ciyaareedkiisa waliba si cajiib ah u ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*