RASMI: Man United Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Juan Mata

Manchester United ayaa ku faraxsan inay ku dhawaaqdo Juan Mata inuu ogolaaday qandaraas hal sano ah, isagoo kusii joogaya Old Trafford ilaa June 2022.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa Man United kaga soo biiray chelsea suuqii January 2014 waxana uu kooxda u saftay 273 kulan isaga oo dhaliyay 51 gool wakhtigaas.

Xiddiga ayuu heshiiskiisa kooxdu dhacay 30 bishii June ee la soo dhaafay laakiin xiddiga ayaa ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis cusub oo hal sano ah.

Juan Mata ayaa Man United u ciyaaray 18 kulan oo tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxda la gaadhay Final-ka Europa League.

Man United ayaa xaqiijisay in uu xiddiga khabiirka ah sii joogi doono xilli ciyaareedka dambe isaga oo qaab xor ah uga tagi doona xagaaga dambe marka uu dhoco heshiiskiisu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*