RASMI: Man City Oo Xaqiijisay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Pep Guardiola.

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay Tababare Pep Guardiola kaas oo sii joogi doona kooxda.

Man City ayaa xaqiijisay in uu Tababare Pep Guardiola qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2025.

Guardiola ayaa Tababare Halyeey Ah ka noqday kooxda man City tan ilaa markii uu yimid isaga oo kooxda kula guulaystay koobab badan intii uu joogay.

Heshiiska Guardiola ee Man City ayaa ku ekaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana jiray shaki weyn oo ku saabsnaa mustaqbalkiisa kooxda Man City.

Laakiin Pep Guardiola ayaa ogolaaday in uu sii joogo kooxda isaga oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo 2 sano ah.

Sidaas darteed Guardiola ayaa sii joogi doona kooxda Man City ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2025.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*