RASMI: Man City Oo Ku Dhawaaqday Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga.

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday in ay 9 milyan oo euro kula soo saxiixatay xiddiga weerarka ka ciyaara ee 18 jirka ah ee Pablo Moreno kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Juventus.

Xiddiag reer Spain oo horay uga soo ciyaaray Barcelona ayaa isla markiiba heshiis Amaah ah ugu bixi doona kooxda Girona xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Man City ayaa Juventus siisay dhankeeda xiddiga garabka ka ciyaara ee Felix Carreia kaas oo ku biiray kooxda Juventus kadib heshiis Amaah ah oo uu ku soo qaatay kooxda AZ Alkmaar.

Moreno ayaa maanta ku baasay tijaabada cafimaadka kooxda Man City waxana ay haatan ku dhawaaqday kooxdu saxiixiisa isaga oo haysta maaliyada kooxda Man Cty.

Sii Akhriso: Wasiirka Arimaha Dibada Taiwan Joseph Wu: Somaliland Waa Wadan Madax-Banaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*