RASMI: Louis van Gaal Oo Loo Magacaabay Tababaraha Xulka Qaranka Netherlands.

Louis van Gaal ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee xulka Netherland markii 3-aad kadib markii uu xulka qaranka dalkaas si niyad jab leh uga hadhay tartankii euro 2020.

Xidhiidhka kubada cagta Netherland ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqay in uu Louis van Gaal ku soo laabtay hogaaminta xulka qaranka Netherlands.

Tababare Louis van Gaal ayaa shaqada ka badali doona Frank de Boer kaas oo ka tagay shaqada xulka qaranka kadib guuldaradii 2/0 ahayd ee uu xulka Netherland kala kulmay Czech Republic ugana hadhay tartanka wareegii 16-ka.

Tababare Louis van Gaal ayaa horay u soo hogaamiyay xulka qaranka intii u dhexaysay 2000 ilaa 2002 ka hor inta uuna ku soo laaban oo uuna kaalinta 3-aad gayn koobkii adduunka Brazl 2014.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Jirtaan Laba Wiil Hal Mar Ku Wada Jecle, Ma Doonaysaa In Aad Dooratid Midka Adiga Kuu Fiican, Habkan Fudud Ayaa Ku Caawinaysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*