
Kooxda Liverpool aya ugu dambayn soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Ozan Kabak kaas oo kooxda ugu soo biiray qaab amaah ah maalintii ugu dambaysay suuqii January.
Kabak ayaa maanta si Rasmi ah tababar ula qaatay xiddigaha ay isku kooxda yihiin kadib markii uu xalay yimid maagalada Liveproo si uu u dhamaystiro saxiixiisa.
Kooxda Liverpool ayaa Kabak kala soo wareegtay kooxda Schalke si ay ugu xaliso dhibaatada daafaca dhexe ee xilli ciyaareedkan.
Ozan ayaa haatan si Rasmi ah loo soo bandhigay kadib markii uu helay warqada shaqada ee uu kaga hawl gali karo dalka England.
Be the first to comment