RASMI: Liverpool Oo Shaacisay Kulamada Saaxiibtinimooyinka Ee Ay Isugu Diyaarin Doonaan Xilli Ciyaareedka Cusub.

kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyada oo maanta si Rasmi ah ku bilaabay tababarkooda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Qaar ka mid ah kulamada Liverpool ee saaxiibtinimooyinka ayaa lagu ciyaari doonaa garoomo ay taageerayaashu joogaan halka qaar kale lagu ciyaari doono bilaa taageerayaal.

Liverpool ayaa ciyaari doonta 3 kulan iyaga oo maalin gudohood ciyaari doona laba kulan si ay isugu diyaariyaan xilli ciyaareedka cusub ee bilaaban doona bisha dambe.

Salaasa July 20:

Kulan 30 daqiiqo ah ayay la ciyaari doontaa kooxda Wacker Innsbruck ka hor inta ayna 30 daqiiqo oo kale la ciyaarin kooxda VfB Stuttgart.

Jimce July 23

Liverpool Vs FSV Mainz

Khamiis July 29

Liverpool Vs Hertha BSC

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*