RASMI: Liverpool Oo Inta Xilli Ciyaareedkan Ka Dhiman Dhaawac Ku Wayday Xiddig Muhiim Ah.

Daafaca kooxda Liverpool ee Joel Matip ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in uu seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawac soo gaadhay.

Xiddiga ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Liverpool bar-baraha 0/0 ah la gashay kooxda Everton kana tirsanaa todobaadkii 30-aad ee horyaalka Premier League.

Xiddiga 28 jirka ah ayuu soo gaadhay dhaawac lugta ah kadib markii uu loolan la galay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Everton Richarlison.

Sidaas darteed kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uuna xiddigan mar kale u ciyaari doonin kooxda Liverpool 7 kulan ee uga hadhay xilli ciyaareedka.

“Xilli ciyaareedkan kuma soo laaban doono garoonka laakiin xilli ciyaareedka dambe waxa aan rajaynayaa in aan wakhti hore taam noqdo”ayuu Matip u sheegay Liverpoolfc.com.

Advertisements

Sii Akhriso: DEG-DEG: Golaha wakiilada Somaliland Oo Kalsoonida Kala Laabtay Gudoomiyaha Xusbiga Mucaaridka Ah UCID Ee Faysal Cali Waraabe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*