RASMI: Liverpool Oo Iibisay Xiddigeedii Ugu Horeeyay Kadib Ku Guulaysigii Horyaalka

6-dii sano ee Dejan Lovren ee Liverpool ayaa soo dhamaanaysa iyada oo kooxda reer Russia ee Zenit St. Petersburg ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga iyada oo ku iibsanayda lacag ku kacaysa 12 milyan oo euro.

Kooxda reer Russia ayaa si Rasmi ah wadahadalo ula bilowday kooxda Liverpool waxana la filayaa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga kadib kulanka ugu dambeeya ee Liverpool ee Horyaalka Axada.

Lovren ayaa Reds la joogay tan ilaa sanadkii 2014 laakiin waxa uu si cad kooxdiisa ugu sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaaga si uu u raadsado koox uu joogto ugu ciyaaro.

Daafaca 31 jirka ah ee Dejan Lovren ayaa noqon doona xiddigii ugu horeeyay ee si Rasmi ah uga taga kooxda kadib markii uu kula guulaystay kooxda premier League Arbacadii.

Sii Akhriso: XASAASI: Somaliya Oo Ciidamo U Dirtay Dalka Liibiya Oo Uu Dagaalka Xoogan Ka Socdo & Hooyooyin Xaqiijiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*