RASMI: Lionel Messi Oo Markii 7-aad Ku Guulaystay Gool Dhalinta La Liga.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay markii 7-aad ee taariikhdiida abaalmarinta gool dhalinta horyaalka La Liga ee Pichichi Trophy.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaliyay 25 gool xilli ciyaareedkan isgaa oo abaalmarinta ku garaacay Karim Benzema kaas oo kaalinta 2-aad ku jira markaasna dhaliyay 21 gool.

Lionel Messi ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkii 4-aad oo xidhiidh ah ku guulaystay horyaalka La Liga waana rikoodhka ugu dheer tan ilaa 1980 markaas oo uu Hugo Sanchez sidaas sameeyay.

Xilli ciyaareedkan ayaan ahayn mid u fiican Lionel Messi marka laga hadlayo tirada goolasha ee xilli ciyaareedka maadama uuna dhaliyay 50 gool oo uu dhaliyay xilli ciyaareedkii 2011/2012 ama 36 gool oo uu dhaliyay xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa ay uga filnayd in uu ku guulaysto Pichichi Trophy.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa 29% u dhaliyay goolasha kooxdiisa ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*