RASMI: Lionel Messi Oo Lagu Daray Liiska Kooxda PSG Ee Champions League.

Lionel Messi ayaa u muuqda mid u safan doona kulankiisii ​​ugu horreeyey ee Champions League ee Paris Saint-Germain kulanka toddobaadkan ee ka dhacaya Club Brugge.

Kooxda PSG ayaa la ciyaari doonta kooxda reer Belguim Habeen dambe kulankoodii ugu horeeyay ee champions League xilli ciyaareedka cusub.

Tababaraha kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa Messi ku daray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Club Brugge isaga oo ciyaari doona kulankiisii ugu horeeyay ee champions league ee kooxda PSG.

Sidoo kale xiddiga Neymar oo seegay kulankii sabtidii ee PSG ayaa ka soo muuqday Liiska xiddigaha uu tababaruhu u soo xushay kulanka champions league ee dhici doona habeen dambe.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*